Dhageyso:-Madaxweynaha Puntland oo weerar afka ah ku qaadey Madaxda Dowladda

Read Time:43 Second

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ay si cad uga soo horjeestay Sharciga Batroolka oo ay ansixiyeen Baarlamaanka labada Aqal,kaas oo sidoo kale horey uga soo horjeesteen Xubnaha Aqalka Sare ee laga soo doortay deegaannada Puntland.

Madaxweyne Deni waxaa uu sheegay in Puntland xeerkaas marnaba aan lagala tashan,isla markaana Puntland aysan marnaba wax ka ogeyn ansixinta Baarlamaanka labada Aqal ee Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in waxwalba ay u baahan yihiin in laga wada tashado,hayeeshee ay u muuqato in Sharcigaas uu yahay mid ay wataan dad dano gaar ah leh,sidaasi daraadeedna Puntland wax Shaqo ah aysan ku laheyn.

Sharciga Bartoolka ayaa horay waxaa u ansixiyey Xildhibaannada Golaha Shacabka,waxaana laba Cisho ka hor, iyada oo uu jirey buuq farabadan ay ansixiyeen Xubnaha Aqalka Sare.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %