Dhageyso:-Maamulka Gobolka Bari oo u digey Odayaasha Boosaaso

Read Time:57 Second

Guddoomiyaha Gobolka Bari ee Maamulka Puntland Cabdisamad Yuusuf Maxamed (Abwaanka) ayaa sheegay in dhowr jeer ay Bulshada ku nool Gobolka Bari kala hadleen in aan khalqal la gelin horumarka iyo Amniga ka jira,hayeeshee ay jiraan tiro yar oo diidan.

Waxaa uu sheegay inay jiraan dad diidan horumarka iyo Amniga Gobolka Bari,kuwaas oo meelo kale fariimo looga soo dhiibaye,hayeeshee ka maamulahaan aysan ka aqbali doonin dadkaas.

Waxaa uu ku hanjabay inay tallaabo ka qaadi doonaan dad uu sheegay in meelo kale laga soo xawilay,kuwaas oo diidan horumarka Gobolka Bari sida uu hadalka u dhigey.

“Waxaa jira dad meelo kale farriimo looga soodhiibey,kuwaas oo wada khalqal gelin ,waxaana idin cadeeynayaa in aan marnaba ogolaan doonin inay Amniga Boosaaso baabi’iyaan 10 Nin oo meelo kale laga soo xawilay  tallaabo ayaana ka qaadeynaa ayuu yiri” Cabdi Samad Abwaanka.

Hadalka Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdi samad Abwaanka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli maalmihii la soo dhaafay uu jiray khilaaf u dhaxeeyey Odayaasha Gobolka Bari iyo Xukuumadda Puntland,isla markaana Xabsiga la dhigay tiro Odayaal ah.

 

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.