Dhageyso:-Laftagareen oo ka horyimid qorsho ay damacsan yihiin Madaxda Dowladda

Read Time:48 Second

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa ka horymid qosho muddo kororsi ah oo ay doonayaan inay sameeyeen Madaxda ugu sareysa Dowladda Soomaaliya.

Laftagareen ayaa soo bandhigey mowqifkiisa ku aadan doorashada soo socota ee Soomaaliya ee Sanadka 2020/2021,waxaana uu sheegay in mowqifkiisa uu yahay in 4.5 wax lagu doorto ilaa iyo inta la sameynaayo Tirakoob dadka ah,isla markaana doorashooyinkii horey dalka uga dhacay la qurxiyo.

“Ka mamul ahaan  waxaan jeclaan lahaa doorashada in Soomaali inta tiradeeda laga ogaanayo deegaannada ay xuroobayaan in 4.5 wax lagu doorto laakin anaga ma dooneyno muddo kororsi mana jirto cid sSoomaali ah oo dooneysa ayuu yiri”Madaxweyne Lafta Gareen .

Hadalka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa u muuqda mid ka hor imaanaya Wararka sheegayay in Madaxda Dowladda ay doonayaan muddo kororsi maadaama isaga uu ka mid yahay Maamul goboleedyada taagersan dowladda Soomaaliya.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %