Dhageyso:-Dowladda Somalia oo u jawaabtay C/raxmaan Cabdi Shakuur

Read Time:52 Second

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay arinta buuqa badan dhalisay ee ku saabsan siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo eedeymo uu u soo jeediyay Dowladda.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo la hadlayay Laanta Afka Soomaaliga BBC ayaa ka difaaca Dowladda eedeymaha uga yimid siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo sheegay in ay dowladdu ku soo abaabushay Culimo qaarkood ugu hanjabay dil,.

“Waxaan ugu baaqayaa siyaasiga in uu qabto Kulan Culimo ah oo uu ku dhageysiinayo warkiisa iyo waxa ay ka qabto Diinta,hadii ay sheegaan in uusan dambi laheyn wuu iska bari yeelay hadii ay dhahaan waad qaldan tahay hatago masaajidka ugu dhow ee ha towbad keeno ayuu yiri “wasiir Mareeye.

Wasiirka ayaa waxaa wax laga weeydiiyey hadalkii Sheekh Xasan Daahir Aweys oo uu C/raxmaan Cabdi Shakuur Dowladda ku eedeeyey inay u adeegsaneyso,waxaana uu sheegya in Xasan Daahir uu yahay muwaadin u arkay in Diintiisa wax laga sheegay oo difaacaya xorna ah.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %