Mareeg Media
Somalia

Dhageyso:-Dowladda Somalia oo u hanjabtay Maleeshiyaadka ku dagalaamaya Mudug

War kasoo baxay Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladu aad uga xun tahay dagaalka markale kasoo cusboonaadaya deegaano ka tirsan Bariga Gobolka Mudug,kuwaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Dagaal ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay deegaano hoostaga degmooyinka Towfiiq iyo Afbarwaaqo ee Bariga Gobolka Mudug,waxaana markale si kulul dagaalkaas uga hadlay dowladda Soomaaliya.

War kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda ay aad uga xun tahay dagaalkaas,isla markaana loogu baaqayo Maleeshiyaadka inay dagaalka joojiyaan.

Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Ismaaciil Muqtaar Oronjo oo Akhriyey War-Saxaafadeed kasoo baxay Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya aysan marnaba aqbaleyn in si fudud loo daadiyo dhiiga Shacabka Soomaaliyeed.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!