Dhageyso:-Cabdi Maxamuud Cumar oo Xaaladiisa Caafimaad Laga Dayrinaayo
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Xaalada Caafimaad ee Madaxweynihii hore dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar,kaasi oo ku xiran xabsi ku yaalla Magaalada Adis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.
Eheladiisa ayaa waxa ay sheegeen in Ciidamada Liyuu boolis ee dowlada deegaanka Soomaalida ay xabsiga dhexdiisa ku jirdilay Madaxweynihii hore DDS,isla markaana hada xaaladiisa Caafimaad laga dayrinaayo.
Hooyada dhashay Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo lagu magacaabo Diid Mahad Colow ayaa sheegtay in shalay xabsiga ay ku booqatay Wiilkeeda,ayna aragtay isagoo six xun loo dilayo.
Riix halkaan si aad Codka u dhageysato
Sidoo kale waxaa ay sheegtay Hooyada in Ciidamada Liyuu boolis ay aragtay iyagoo saddex jaranjaro ka soo tuuraya Cabdi Maxamuud Cumar madaxana ay ka garaacayen Ciidamada Liyuu boolis.
Comments are closed.