Dhageyso:-Booliska Somalia oo baaris ku bilaabay dilkii Elmaas Alman

Read Time:55 Second

Kadib dilkii shlay Gudaha Xerada Xalane ee Muqdisho loogu geystay Elmaas Elman oo mar soo noqotay Xoghayaha koowaad ee Safaarada Somalia ee Kenya ayaa Booliska Soomaaliya waxaa uu bilaabey baarista dilkaas.

Majirto cid sirasmi ah faah faahin uga bixisay dilka Elmaas,hayeeshee warar soo baxayay ayaa waxaa ay sheegayeen in xabad wiifto ah ay ku dhacday,xilli ay saarned gaarigeeda Gudaha Xerada Xalane,isla markaana ay u geeriyootay dhaawac soo gaaray.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in Booliska uu bilaabay baarista dilka,isla markaana gal dacwadeed ay ka fureen Hay’adda Dambi baarista ee CID-da.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in baaritaanka dilka uusan noqon doonin mid laga hara,sidoo kalena ay ka qeyb qaadan doonaan saraakiil khuburo ah oo wax ka yaqaano dhacdooyinka noocaan oo kale ah.

Xerada Xalane ayaa waxaa Maamula AMIOSM,waxaana degan Hay’ado farabadna oo reer Galbeed ah,waxaana la ogeyn sida ay dowladda baaris dhab ah ugu sameyn karto dilka ka dhex-dhacay halkaas.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.