
Afhayeenka Ururka Al Shabaab u qaabilsan dhanka howlgalada Sheekh C/Caziiz Abuu Muscab ayaa ka hadla Weerarkii shalay Al Shabaab ay ku qaadeen Saldhiga Ciidamada dowlada iyo kuwa Jubbaland ay ku lahaayeen Deegaanka Baar Sanguuni ee Duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose,isagoo carrab dhabay tirada Ciidamada ay ku dileen Weerarkaaas.
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Codka
Waxa uu sheegay Abuu Muscab in weerarkii Baar Sanguuni lagu dilay 27-askari oo ka tirsanaa Ciidamada Maamulka Jubbaland iyo kuwa dowlada Soomaaliya ee uu Mareykanka Tababar.
Sidoo kale waxa uu sheegay in gacanta lagu dhigay 2-askari oo ka tirsanaa Ciidamadda dowlada,halka sidoo kale 6-meyd ahaa lagu soo bandhigay fagaaraha Degmadda Jamaame.
Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in Ururka Al Shabaab ay weerar ku bilowday 2 gaari oo qaraxyo ah ku qaadeen deegaanka Baar Sanguuni oo ay fariisimo u ah Ciidamada dowlada ,balse ciidanka Militariga Soomaaliya ayaa iska difaacay weerarkaasi.