Translate to your language
Dhageysiga Dacwad Loo Heysto Mas’uul Ka Tirsan Dowlada Oo Ka Socoto Muqdisho — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dhageysiga Dacwad Loo Heysto Mas’uul Ka Tirsan Dowlada Oo Ka Socoto Muqdisho

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 13/8/2018-ka,waxay u fariisaneysaa dhageysiga codsi dammaanad siin ah oo ay soo gudbiyeen qareenada eedeysane C/shakuur Aadan Maxamuud.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Garyaqaan Muuse Macallim Maxamed ayaa SONNA u sheegay in eedeysanahan oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya qeybta qandaraasyada loo heysto arrimo la xiriira masuq maasuq iyo wax isdamarin khilaafsan xilka xafiiskiisa.

“Maxkamadda Gobolka Banaadir maanta oo ay taariikhdu tahay 13-8-2018,waxay u fariisaneysaa dhageysiga codsiga dammaanad siin ah oo ay soo gudbiyeen qareenada eedeysane C/shakuur Aadan Maxamuud oo mudo todobaad ah u xirnaa arrimo la xiriirka masuq maasuq iyo wax isdamarin khilaafsan xilka xafiiskiisa,” ayuu SONNA u sheegay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Muuse Macallim Maxamed.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!