Dhagesyo Siidii: Shabaab Isgoobe ayaa lagu xaaqayaa * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dhagesyo Siidii: Shabaab Isgoobe ayaa lagu xaaqayaa

Mareeg.com: Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii) oo la socda ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa sheegay in saacadaha soo socda ay la wareegi doonaan degmada Baraawe, kadibna ay usoo gudbi doonaan deegaanka Xaramka oo ah xadka ay wadaan gobollada Shabeellaha Hoose iyo Jubada Dhexe.

C/qaadir Siidii ayaa beeniyay hadal ka soo yeeray Al-Shabaab oo ahaa inay go’doomiyeen degmada Buulo Mareer, kadib markii ay la wareegeen ciidamada Soomaaliya iyo AMISOM.

“Waxba ma go’doomin karaan, Buulo Mareer waxaa ku soo noqotay afartan gaari, waana ku soo noq noqdaan, xaalada Buulo Mareer waa soo hagaagerysa dukaamadii furan maqaayadaha furan”ayuu yiri Siidii.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada Uganda oo ah ciidanka kaliya ee howl galka ka qeyb qaadanaya ay hada isku xirayaan Qoryooley ilaa Badweynta Hindiya, iyagoo lug ku socda sida uu yiri.

“Saacadah soo socda Baraare ayaan shir jaraa’id ku qaban doonaa, kadiban qorshaheena wuxuu cuskan doonaa ilaa xadka aan la leenahay Jubada Dhexe oo ah Xaramka, halkaas ayaa caga dhigan doonaa,”ayuu yiri C/qaadir Siidii.

Halkaan ka dhegeyso codka C/qaadir Siidii

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.