Mareeg Media
Somalia

Dhageso:-Howlgal culus oo laga sameeyey Dhuusamareeb

Laamaha Amniga Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay faah faahin ka bixiyeen howlgal saacadihii la soo dhaafay ay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Magaalada Dhuusamareeb,kaas oo dad iyo waxyaabaha qarxa lagu qabtay.

Taliyaha qeybta guud ee Booliska Galmudug Cabdi Casiis Yuusuf( Dhagabadan) oo Maanta Warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in xog ay Shacabka ka heleen ay Gacanta kudhigeen waxyaabaha qarxa oo lagu diyaarinayey Guri ku yaalla Magaalada Dhuusamareeb.

Waxaa uu sheegay in qaraxyadaan ay ahaayeen kuwo aad looga soo Shaqeeyey,isla markaana ala doonayey in dadka Shacabka ah lagu dhibaateeyo.

Waxaa uu ku amray Taliska Booliska Magaalada dhuusamareeb inay siweyn u adkeeyaan Amniga magaalada oo u diyaar garoobeysa doorashada Hoggaanka Galmudug.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!