Dhacdo Naxdin leh:-Wiil dil geystay Macalin Qur’aan saarayay

Read Time:46 Second

Wararka laga helayo Magaalo ka tirsan dalka Australia ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo siweyn loo yaqaanay ahaana Sheekh Caan ah.

Dilka loo geystay Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa sigaar ah uga dhacay halka lagu magacaabo Melbourbe, isla markaana waxaa dilkaas loo adeegsaday toorey ama Middi.

Marxuumka geeriyooday ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Sheekh Maxamed, waxaana la sheegay inuu dilka u geystay Wiil dhalinyaro ah oo uu saarayay Qur’aan, isagoo qeybaha sare ee Jirka ugu dhuftay tooreey uu watay.

“Waxaa dilay wiil dhalinyaro ah uu quraan saarayay, marki quran Saarka lagu bilaaway ayuu wiilka dhinaca jikada mindi kasoo qaatay kadib sheekha ayaa isku dayay in uu ka qaado markasuu ku dilAy Alaha unaxariisto” ayuu yiri qof ku sugan Australia.

Dad Soomaali ah oo ku sugna Melbourbe ayaa markii horey gurmad u sameeyay Sheekh Maxamed oo ula cararay Xarun Caafimaad, si loogu daaweyo, hayeeshee waxaa la xaqiijiyay inuu geeriyooday.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %