Dhacdo Naxdin leh oo lagu arkay Xaafad ka tirsan Muqdisho
Waxaa saakay Xaafadda Juungale ee Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir lagu arkay Meydka Cunug Saqiir ah oo Ceego lagu Dilay.
Saqiirkan la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Sufyaan Cismaan Baare,waxaana da’diisa lagu qiyaasay 5 ilaa 7 jir,isagoona Meydkiisa laga dhax helay Gaari.
Ehelada Saqiirkan ayaa waxa ay inoo sheegeen in Meydka lagu arkay Xaafadda Juungale ee Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.
Sidoo kale waxaa ay sheegeen Ehelada Saqiirkan in Jirkiisa marka laga tago Ceejida lagala baxay Kilyaha,Beerka iyo Xubno kale oo jirkiisa kamid ahaa.
Magaalada Muqdsiho ayaa todobaadkii lasoo dhaafay waxaa ka dhacay dhacdooyin kala duwan,kuwaasi oo shacabka Magaalada ku reebtay saameyn.
Comments are closed.