Dhaawaca R/wasaare ku xigeen Maxamed Cumar Carte oo la dhigay Reccep Tayyip Erdogan * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dhaawaca R/wasaare ku xigeen Maxamed Cumar Carte oo la dhigay Reccep Tayyip Erdogan

Mareeg.com: Raysul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cumar Carte oo sidoo kale ah ku-simaha raysul wasaaraha ayaa ku dhaawacmay qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Sida ay xaqiijiyeen warar xog-ogaal, Maxamed Cumar Carte waxaa lagu daweynayaa (Reccep Tayyip Erdogan) Ex-Digfeer ee Muqdisho oo ay maamusho hay’ad Turkish ah.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in dhaawaca gaaray raysul wasaare ku-xigeenka uu yahay mid fudud.

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari lagu soo xiray walxo qarxa waxaa lala eegtay masjid ku dhex yaalla hoteel lagu magacaabo Central oo u dhow Tiyaatarka Muqdisho, halkaas oo ay salaadda Jimcaha ku tukanayeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, saraakiil ciidan iyo siyaasiyiin kale.

Dad goobta ka dhawaa waxay sheegeen inay rasaas maqleen qaraxa kaddib. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!