Dhaawaca Liibaan Madaxweyne Oo Loo Gudbiyay Magaalada Baladweyne * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dhaawaca Liibaan Madaxweyne Oo Loo Gudbiyay Magaalada Baladweyne

Guriceel ( Mareeg)-Wararka aan ka heleyno Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa ku soo warramaya in Libaan Madaxweyne oo ah Sarkaalkii dhawaan kula dagaalamay Ahlusunna Waljamaaca Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud islamarkaana gacanta lagu dhigay ayaa lagu wadaa in Magaalada Baladweyne loo gudbiyo.

Sarkaalkaan oo qaba dhaawac ayaa lagula tacaalayaa xaaladdiisa Caafimaad xarun Caafimaad oo Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Magaalada Baladweyne , haddii wax looga qaban waayana loo sii gudbin doono dalka Ethiopia.

Liibaan Madaxweyne oo ka goostay Saraakiisha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan kula dagaalamay Ahlusunna Waljamaaca kadib markii ay isku maandhaafeen is hortaag Ahlusunna ay ku sameeyeen Wafdi uu horkacayay Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan oo ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda Magaalada Dhuusamareeb.

Waararka ayaa sheegaya in siyasiyiin Soomaaliyeed ay gacan ka geysteen in Liibaan Madaxweyne loo gudbiyo dhaawaciisa Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!