DF Somalia Oo Dib U Soo Celineysa Xiriirkii Imaaraadka,War-Saxaafadeed * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

DF Somalia Oo Dib U Soo Celineysa Xiriirkii Imaaraadka,War-Saxaafadeed

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya aya lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka shaqeyneyso sidii xiriirka dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka lagu soo celin lahaa loona xallin lahaa ismaan dhaafka labada dowladood.

Kaddib markii 8dii Bishan April dowladda Federaalka ah ay Magaalada Muqdisho ku qabatay diyaarad sidday Lacag dhan $9.6Milyan oo doollarka Mareykanka waxaa cirka isku shareeray xiriirka labada dowladood.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in xiriirka labada dal caadi lagu soo celiyo islamarkaana waxaa dowladda Imaaraadka looga mahad celiyay kaalinta ay ka qaadatay la dagaallanka argagixisada iyo dadaallada kale ee ay ka waddo dib u dhiska dowladda Soomaaliya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.