DF Somalia iyo Puntland oo shir uga furmay Garowe

Read Time:58 Second

Mareeg.com: Shir wadatshi ah ayaa maanta xarunta wasaaradda caafimaadka ee maamulka Puntland uga furmay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Puntland, kaasoo socon doona muddo 2 maalmood ah.

Furitaanka shirka waxaa goobjoog ka ahaa R/wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharmarke iyo madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas.

Shirka ayaa muddada uu socdo waxaa ka qeybgeli doono madax iskugu jirata wasiiro, xildhibaano iyo saraakiil kale oo kala matalaya labada dhinac.

Wasiirku xigeenka dastuurka iyo arrimaha federaalka Puntland ayaa ka warbixiyey u jeedka shirkan wadatashi ee u dhaxeeya Puntland iyo Federaalka.

Wuxuu sheegay in shirkan looga hadli doono arrimaha federaalka, Heshiisyadii horay u galeen Dowladda Federaalka ah iyo maamulka Puntland, Barnaamijka Hiigsiga 2016 iyo dhismaha ciidamada Qaranka Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland Dr Gaas ayaa sheegay in shirkan ahayn mid isla xisaabtan balse uu yahay mid wada tashi oo laba hinac ay isla eegayaa qodobada shirkan ujeedkiisu yahay.

Raysal wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo si rasmi ah u furay shirkan wada tashiga ayaa labada guddiga kula dardaarmay in ay si qoto dheer uga hadlaan qodobada shirka si la iskula meel dhigo arrimaha federaalka, Barnaamijka Hiigsiga 2016 iyo qodobada kale.

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %