DF Somalia In Ay Ku Guuleysatay Arrimaha Ammaanka Iyo Siyaasadda. — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

DF Somalia In Ay Ku Guuleysatay Arrimaha Ammaanka Iyo Siyaasadda.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Ambassador Meachel Keating ayaa sheegay in dowladda Somalia 12 bilood ee lasoo dhaafay ay sameysay Horumarro la taabankaro oo dhanka Aminiga ah dhaqaalaha iyo Siyaasadda ah taas oo uu sheegay in ay horseedeen Hogaanka Somaliya Xiligaan.

Mr Keating oo ka hadlay Munaasabad gaar ah oo lagu Maamusayay I Luuliyo ayaa hoosta ka xariiqay in guulahaasi ay gaartay dowladda Somalia ay  qeyb kayihiin kahortaga Abaaraha, Kordhinta Daqliga iyo meel marinta sharciyo muuhiim ah iyo sidoo kale xiriir wada shaqeyn ah oo dhexmaray Dowlad goboleedyada iyo Weliba dowladda fedralka ah ee Somalia.

Sidookale Ergeyga gaarka ah ee Qaraamada Midoobay u qaabilsan Somalia ayaa Amaanay dadaalada dib u eegsita dastuurka ay waddo dowladda federaalka ah ee Somalia iyo u diyaar garowga doorashooyinka.

Waxaana uu intaasi ku daray in beesha caalamka ay diyaar u tahay sidii ay Somalia uga caawin lahayd dadaalada ay ugu jirto xalisinta Ammaanka dalka, shaqaleynta xoojinta Nidaamka  kala Dambeynta iyo isla xisaabtanka.

Ugu dambeyntii Ambassador Michel Keating ayaa ugu baqay hogaamiyasha Soomaliyeed in ay si wadajir ah u shaqeeyaan si looga  guulgaaro dadaalada dowladda ee ku Aaden shaqo abuurka  dhalinyarada Soomaaliyeed

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!