DF oo ku dhawaaqday wadahadal ay la geleyso Puntland * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

DF oo ku dhawaaqday wadahadal ay la geleyso Puntland

Mareeg.com: Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay iney wadahadal la furi doonto maamu goboleedka Puntland, kaasoo dowladda xiriirka markii 2-aad u jaray dhamaadkii bishii July ee sanadkan 2014.

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay dhowaan wadahadal daah-furan la bilaabi doonto maamulkaas.

Ridwaan Xirsi ayaa sheegay in wadahadaladii la filayey inay dhowaan dhex-maraan Dawladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Puntland uu dib-u-dhac ku yimi sababo farsamo awgeed.

“Waxaan dadka Puntland iyo xukuumadoodaba u xaqiijinayaa in Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay wada shaqeeyaan Dawlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland si loo soo celiyo kalsoonidii iyo midnimadii qaran” ayuu yiri Ridwaan Xirsi Maxamed.

Madaxweynihii ka horreeyey Gaas ee ahaa C/raxmaan Faroole ayaa isagu horay u jaray xiriirka dowladda Federaalka ah iyo maamulka Puntland.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!