Derbi Soo Dumay Oo Shan Qof Ku Dilay Deegaanka Shalaanbood Ee Shabeellaha Hoose

Marko– (Mareeg.com): Shan qof ayaa ku dhintay deegaanka Shalaanbood ee gobolka Shabeellada Hoose, kaddib markii uu kusoo dumay darbi ay hoos-fadhiyeen gellinkii dambe shalay jimcadii.

Guddoomiyaha degmada Marko, Maxamed Cismaan Yariisow oo warbaahinta Muqdisho la hadlay ayaa sheegay in 5-ta qof ee dhintay ahaayeen dad waaweyn uuna si lama filaan ah ugu soo dumay darbi ay harsanayeen.

“Dad fadhiyey darbi hoostiisa ayuu kusoo dumay, waxaana ku dhintay 5 qof Allaha u naxariisto, sidoo kale waxaa dhaawac uu kasoo gaaray hal qof oo haweeney ah, taasoo dhaawaceeda loo qaaday Muqdisho,” ayuu yiri Maxamed Cismaan Yariisow oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta caasimadda.

Dalka Soomaaliya oo uu ku dhacay bur bur xoog leh oo ay gaarsiiyeen dagaalladii sokeeye ayaa waxaa meelo badan ku haray dhismooyin duugoobay, hase ahaatee waxaa Alle mahadiis aad u yar dhibaatada ay geystaan.

Mareeg.com