Dekada magaaladda Berbera oo xoogsade ku geeriyooday? * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dekada magaaladda Berbera oo xoogsade ku geeriyooday?

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya magaaladda Berbera ee xarunta gobalka Saaxil ee Somaliland waxaa geeriyoodey hal qof kadib markii uu ku soo go’ay kunteenar laga soo dejinayey markab dekedda Berbera ku xirnaa.

Marxuun Daa’ud oo kamid ahaa shaqaalaha muruqmaalka dekedda Berbera ayaa u geeriyoodey dhaawac culus oo uu sababsadey kadib markii uu ku soo go’ay kunteenar culus oo ay soo dajinayeen, iyadoo tiro kale oo shaqaalahaasi kamid ahna ay ku dhaawacmeen.

Dhacdadan geerida Marxuun Daa’uud ayaa ku soo aadeysa xili dhawaanahanba dekedaasi Berbera Ay ka jireen muran u dhaxeeyey Shaqaalaha Muruqmaalka ah iyo weliba sidoo kale shirkadda la wareegtey maamulka Dekedda ee lagu magacaabo DP World.

Sida ay tibaaxayaan ilo wareedyo ay heleyso Wakaaladda Wararka ee Allbanaadir.com, murankaasi ayaa ku lug leh ama raadka ku haya arimo la xiriira xaqa iyo xuquuqda shaqaalaha.

Murankani oo mudo soo jiitamayey ayaa waxaa uu dhawaan sababey in shaqaalaha dekedda ay 48 saacadood ay shaqo joojin sameeyaan sidaana ay ku istaagto shaqadii dekadda.

Si kastaba 20kii bishan ayaa murankaasi la xaliyey, oo shaqadii dekadda ay dib u bilaabatey, waxaanse ilaa iyo iminka la ogeyn in mar kale ay shaqaalaha gadod sameyn doonaan iyo in kale.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!