Degmada Xudur oo lagu soo bandhigay Gaadiid iyo Rag la sheegay in ay ka tirsan yihiin Al Shabaab

Aadan Cabdi Max’ed Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Bakool ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in rag ka tirsanaa Al Shabaab ay isku soo dhiibeen Maamulka Gobolka Bakool isagoo dhanka kale tilmaamay in ay gaarayaan ragga isku soo dhiibay illaa 24 ruux oo dhammaan ka tirsanaa Al Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale Guddoomiye ku xigeenka ayaa xusay in howl gallo ballaaran ay Ciidamada dowladda ka sameeyeen deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Bakool kuwaas oo ay ku soo qab qabteen Ciidamadu 80 ruux wuxuuna xusay in baaritaanno lagu sameeyay dadkii la soo qabtay kadib ay sii daayeen 40 ruux oo sida uu sheegay dambi lagu waayay.

Geesta kale Guddoomiye Aadan Cabdi ayaa xusay in ay qorsheynayaan in ay la tashi la sameeyaan dowladda kaas oo ku aadan si xoojinta Nabad Gelyada Gobolka Bakool , wuxuuna dhanka kale ugu baaqay dhalinyarada ka tirsan Al Shabaab in ay isi soo dhiibaan.

Hadalka Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Bakool ayaa waxa uu imaanayaa xilli Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya ay howl gallo sida ay sheegeen saraakiishooda lagu saarayo Al Shabaab muddooyinkaan dambe ka wadeen deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobollada Jubbooyinka, Baay iyo Bakool iyadoo ay xusid mudantahay in mudadii howl galladaas socdeen ay dhaq dhaqaaqa Al Shabaab weeraro dhabbo gal ah ku qaadayeen Ciidamada huwanta ah ee howl gallada ka waday Gobolladaasi.