Degmada Wadajir oo gudoomiye cusub loo magacaabay

Mareeg.com- Gudoomihii hore ee Degmada wada jir Axmed Daaci ayaa la soo sheegayaa in xilkii laga qaaday iyadoo lagu bedelay Gudoomiye cusub.

Gudoomiyaha cusub ee loo magacaabay degmada Wadajir ayaa waxaa lagu magacaabaa Axmed Cabdulle Afrax, kaasoo bedelaya Gudoomiyihii hore ee Wadajir Axmed Caddow (Axmed Daaci).

Wararka ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) uu gacanta u geliyay wareegtada lagu magacaabay, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda uu xilka la wareego.

Gudoomiyeyaasha cusub ee lagu bedelay Gudoomiyeyaashii hore ayaa ah dhaliyaro wax ku soo bartay dalka dibadiisa, waxaana shacabka qaar ay soo dhoweeyeen is bedelkan yimid ee dhiiga cusub ah.