Degmada Deyniile oo ciidamada amaanku ku qabteen hub iyo dad laga shakiyey

Read Time:45 Second

Mareeg.com: Ciidamada amaanka dowladda Soomaaliya ayaa degmada Dayniile waxay ka sameeyeen howlgal, kaasi oo amaanka guud ee degmada lagu xaqjinayay.

Bile Carbis oo ah gudoomiye ku xigeenka dhanka amaanka ee degmadaasi ayaa sheegay in ay soo qabteen hub iyo dad looga shakisan yahay in amni darro ka shaqeynayeen, howlgalkana uu yahay mid maalin walba si caadi ah ay ciidanka u sameeyeen.

“Waa howlo amniga qaranka lagu sugayo, shacabka iyo ciidamada ayaa is kaashaday, waxaa la qabtay hub iyo dad” ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka.

Hubka iyo dadka lasoo qabtay waxa uu sheegay in hay’adaha amaanka ay ku shaqo leeyihiin oo iyagu baaritaanno kusoo sameeya.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya maalmihii ugu dambeeyay waxa ay magaalada Muqdisho ka sameenayeen howlgal balaaran, kaasi oo dad iyo hub lagu qabtay.

Degmada Deyniile ayaa ka mid ah degmooyin ay suuragal tahay in hub lagu qariyo maadaama ay dhinac jirto, una gudbto dhulkaa miyiga ah.

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.