Ciidanka dowlada oo dib ugala wareegeen Alshabaab Degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo c * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidanka dowlada oo dib ugala wareegeen Alshabaab Degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo c

Wararka naga soo gaarayo degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay baneeyeen degmada Ceel-Waaq oo ay xalay kala wareegeen ciidanka dowladda Soomaaliya.

 

Al-Shabaab ayaa muddo saacaddo ah ku sugnaa degmada Ceel-Waaq ee gobolka Gedo.

 

Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa AMISOM ayaa gudaha u galay degmada Ceel-Waaq ee gobolka Gedo sida ay Risaala u sheegeen dadka deegaanka.

 

Al-Shabaab ayaa xalay Saqdii dhexe faarujiyay degmada Ceel-Waaq oo ay kala wareegeen ciidanka dowladda Soomaaliya muddo kooban.

 

Saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in lagu dilay dagaalkii Ceel-Waaq Sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya sidoo kale 4 askari, waxaana jira dhaawacyo soo gaaray ciidanka dowladda Soomaaliya.

 

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!