Muqdisho, Mareeg.com: Degmada Wadjir ee magaalada Muqdisho ayaa xalay si rasmi ah ugu dhawaaqday iney kaalmo gaareysa $10 kun dollar ugu deeqday dadka fataahaadda webiga Shabeelle ku barakicisay degamada Jowhar ee xarrunta gobolka Shabeellaha Dhexe.
Munaabad xalay lagu qabtay degmada Wadajir ayaa gudoomiyaha degmadaas Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) wuxuu uga dhawaaqay in ilaa $10-kun oo dollar ay ugu deeqeen dadka reer Shabellaha Dhexe ee ay saameynta xooga leh ku yeelatay fataahadda webiga Shabeelle oo colaado ugu darmeen.
“Degmada Wadajir waxey lacag dhan $10-kun doolar ugu deeqday dadka reer Jowhar ee fataahaaddu dhibaateysay, lagactu iney intaas ka badatana waa laga yaabaa haddii uruurintu sii socoto” ayuu yiri gudoomiyaha degamada Wadajir Axmed Daaci.
Axmed Daaci ayaa dadka degamada uu maamulo iyo dadka kale ee Soomaaliyeed ugu baaqay iney sii wadaan uruurinta taakulada loo fidinayo dadka ku dhibaateysan degmada Jowhar ee dhowrka bilood biyuhu guryahoodi fariisin ka dhigteen.
Degmada Wadajir ayaa noqotay degmadii ugu horreysay ee ku dhawaaqda lacag cayiman oo lagu taageerayo dadka reer Jowhar, kadib markii dhawaan gudoomiayaha gobolka Banaadir Max’ud Axmed Nuur Tarsan uu arrintaas ku ugu baaqay degmooyinka gobolka Banaadir.
Degmooyinka kale ee Gobolka Banaadir ayaa iyaguna bilaabay dhaqaale uruurin loo sameynayo dadka dhibaatada ka soo gaartay fatahaadaha iyo colaadaha ka jira Gobolka, kuwaasoo aan wali wax gar gaar ah soo gaarin.
Degmada Jowhar ayaa waxaa dhowr bilood ka jira fatahaad uu sameeyey webiga Shabeelle, iyadoo dowladda Soomaaliya aysan wax muuqda u qaban, inkastoo madaxweynuhu halkaas booqday.
Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa 28-kii bishii September ee sanadkaan 2013 shirka khamiislaha ee ay todobaad kasta yeeshaan uga dhawaaqay in ilaa $50 kun dollar ugu yaboohayaan dadka fatahaaddu ku saameysay gobolka Shabeellaha Dhexe, hase ahaatee ma jiro wax laga dhaqan geliyey yaboohaas.
Mareeg.com