DEG-DEG: Baarlamanka Soomaaliya oo codka kalsoonida siiyay Golaha Wasiiradda * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

DEG-DEG: Baarlamanka Soomaaliya oo codka kalsoonida siiyay Golaha Wasiiradda

Mareeg.com: Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan uu ku yeeshay Muqdisho cod aqlabiyad leh ku ogolaaday xukuumadda cusub ee uu dhowaan soo dhisay Ra’isul wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharmarke.

Kulanka oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” waxaa soo xaadirtay 213 Xildhdibaan iyadoo kulanka oo goob joog ka ahaa Ra’isul wasaaraha Soomaaliya isla markaana uu khudbad ka jeediyay isagoo ka codsaday Xildhibaanada in xukuumadda la siiyo codka kalsoonida.

Waxaa xukuumadda ogolaatay 191 xildhibaan waxaana diiday 22 Mudane,  waxaana Guddoomiyaha Maxkamadda sare Soomaaliya Abuukaate Caydiid Cabdullaahi Ilko Xanaf uu dhaariyay Wasiirada cusub ee Xukuumadda Soomaaliya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!