Deg Deg:-Xubno ka tirsan dowlada oo goordhow loo xiray musuq-maasuq
War hada aan helnay ayaa sheegaya in xabsiga la dhigay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo loo haysto eedeymo Musuq-maasuq ah.
Mas’uuliyiinta la xiray ayaa gaaraya ilaa iyo lix xunood oo ka mid ah Saraakiishii ka shaqaynayay Dekadda magaalada Muqdisho,waxaana la sheegay in maalmihii la soo dhaafay baaritaano lagu hayay mas’uuliyiintaan iyo guud ahaanba shaqada dekadda.
Ilaa lix xubnood oo ka tirsan kastamka Canshuuraha Dekeda Muqdisho ayaa loo xiray arrimo la xiriira musuq maasuq, dadka xiran waxaa ka mid ah Maamule kuxigeenka Furdada Dekeda Muqdisho, halka Maamulaha Furdada oo la sheegayo inuu ku jiro dadka loo jaray waaran xarig isna la la’yahay.
Warar ku dhow dhow Dekeda Muqdisho ayaa sheegaya in maalmihii u dambeeyay Baaritaano lagu hayay Xafiiska canshuuraha dekeda, iyadoo gebi ahaanba Xafiiska canshuuraha la xiray.
Comments are closed.