Xoogsato farabadan oo Kenyan ah oo lagu xasuuqay Mandheera * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xoogsato farabadan oo Kenyan ah oo lagu xasuuqay Mandheera

Mareeg.com: Ugu yaraan 36 ruux ayaa la sheegayaa in lagu dilay meel dhagax laga qodo oo ku dhawa magaalada Mandera, woqooyi-bari Kenya.

Sida wararka ay sheegayaa dadkan ayaa la weeraray xalay saqdii dhexe iyagoo dhexjiifay teendhooyiin, goobtii ay dhagaxa ka qodayeen.

Weerarka ayaa ka dhacay deegaanka Koromey 15 KM u jira magaalada Mandheera, waxaana Laanqeyrta ee Kenya sheegtay in shaqaalaheedu ay weli ku guda jiraan qiimeynta khasaaraha.

Dhammaan dadka la dilay ayaa ahaa dad aan Muslimiin ahayn, waxaana qaar ka mid ah dadkii ka badbaaday weerarkaas ay booliska u sheegeen in dadkii Muslimiinta ahaa ee goobta ku sugnaa gooni loo bixiyay oo aan la dilin.

Toddobaad ka hor ayaa waddada ka soo baxda Mandera waxaa lagu dilay 28 ruux oo aan Soomaali ahayn oo ku safrayay bus ku sii jeeday caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.

Al-shabaab ayaa sheegtay weerarkii hore, iyagoo sheegay inay Kenya kaga aargudanayeen dilka dadkaasi.

Hogaamiyayaasha Muslimiinta ayaa ku tilmaamay weerarkii lagu dilay 28 qof inuu ahaa mid aan waafaqsaneyn shareecada Islaamka.

Dhank kale, wararka ka imaanaya magaalada Wajer ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay xalay weerar ku qaadeen goob lagu caweeyo.

Kooxaha hubeysan ayaa bambaanooyin iyo rasaas ku weeraray goobtan lagu caweeyo, waxaana la soo warinayaa in ugu yaraan hal ruux uu ku geeriyooday shan kalena ay ku dhaawacmeen.

Ma cada ilaa iyo hada cida ka dambeysay weerarkan, hase ahaatee dableyda weerartay ayaa bartilmaameedkooda ahaa shaqaalaha baarka iyo dadkii ku caweynayay.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in weerarkan ay ka dambeeyeen kooxo la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, balse ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan weerarkan.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!