Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon oo laga sugayo Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon oo laga sugayo Muqdisho

Mareeg.com: Xoghayaha guud ee Qaramada Midobay Ban Ki Moon ayaa lagu wadaa inuu maanta booqasho ku yimaado magaalada Muqdisho, sida laga baahiyey warbaahinta rasmiga ah ee dowladda Soomaaliya.

Qaban qaabada soo dhaweeynta xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa ka socota garoonka diyaaraha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in Ban Ki Moon uu kulan la qaato madaxda dowladda Soomaaliya.

Amaanka garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo deegaanada ku hareereysan ayaa aad loo adkeeyey, iyadoo la dhigay ciidamo farabadan.

Ban Ki Moom ayaa la filayaa in madaxda Soomaaliya kala hadlo arrimo ku saabsan horumarka dalka iyo sidii Qaramada Midoobay u kordhin laheyd taageerada ay siiso dowlada Federaalka Soomaaliya.

Banki Moon ayaa safar ku maraya wadamo ka mid ah gobolka Geeska Afrika isagoo shalay booqday magaalada Jabuuti ee caasimada Jamhuuriyadda Jabuuti.

Haddii uu Ban Ki Moon manta tago Muqdiusho waxey noqoneynaa booqashadii labaad ee ku tago halkaas, isagoo horay Muqdisho u tegay bihsii December ee sanadkii 2011.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!