DEG-DEG: Xildhibaanad Saado Cali Warsame oo lagu dilay Muqdisho

Mareeg.com: Xildhibaanad Saado Cali Warsame ayaa maanta koox hubeysan waxey toogteen magaalada Muqdisho.

Saado Cali Wasrame oo aheyd fanaanad caan ah ayaa lagu dilay dhabarka dambe ee hotelka Ambasaddor ee agagaarka KM4, waxaa sidoo kale la dilay nin ilaalo u ahaa.

Goobta dilku ka dhacay waxaa gaaray ciidamada booliska iyo kuwa nabad sugidda, waxaana socda baaritaan, inkastoo ilaa hadda aan la sheegin cid la qabtay.

Waa xildhibaankii 2-aad ee Muqdisho lagu dilo tan iyo markii ay biulaabatay bisha Ramadaan, waxaana horay bilowgii Ramadaanka la dilay xildhibaan Maxamed Maxamud Xeyd.

Mareeg Media

 

About A warsame 9752 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245