DEG DEG: Xildhibaanada Baarlamaanka oo ansixiyay mooshinkii ka dhanka ahaa dhismaha Baarlamaanka Jubba * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

DEG DEG: Xildhibaanada Baarlamaanka oo ansixiyay mooshinkii ka dhanka ahaa dhismaha Baarlamaanka Jubba

(Mareeg)— Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ugu dambeyn cod u qaaday mooshinkii ka dhanka ahaa dhismaha Baarlamaanka Jubba, kaasoo saddex jeer oo hore uu dib u dhac ku imaanayay codeyntiisa.

Kulanka Baarlamaanka oo ku furmay jawi degan ayaa markii la guda galay ajandaha, isla markaana Guddoonka amray in la tiriyo tirada Xildhibaanada fadhida, si cod loogu qaado mooshinka ayaa buuq ka dhashay, waxaana markii hore tirada soo xaadirtay ay ahaayeen 150.

Hase ahaatee waxaa markii dambe xarunta golaha shacabka ka baxay Xildhibaanadii ka soo horjeeday mooshinka, waxaana ay taas dhalisay buuq.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka oo shir guddoominayay kulanka ayaa howl wadeenada ku amray inay saf saf u tiriyaan, waxaana markii dambe la shaaciyay inay joogaan 142 Xildhibaan, kuwaasoo markii dambe cod gacan taag ah u qaaday mooshinka.

132 Xildhibaan ayaa u codeysay mooshinka inay taageersan yihiin, halka afar Xildhibaan ay diiday, lix Xildhibaan ka aamustay, sidaas uu Guddoonka ku shacaiyay in mooshinka uu ansax yahay.

Fadhiga ayaa wixii markaas ka dambeeyay sawaxan iyo sacab isu bedelay, iyadoo Xildhibaanada taageersanaa mooshinkana ay isu hambalyeynayeen, markii uu Guddoonka ku dhawaaqay natiijada codeynta.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!