DEG-DEG: Xildhibaan hore oo lagu dilay Muqdisho iyo xildhibaan la dhaawacay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

DEG-DEG: Xildhibaan hore oo lagu dilay Muqdisho iyo xildhibaan la dhaawacay

Mareeg.com: Dabley hubeysan ayaa saakaa weerar ku qaaday xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo marayey Degmada Xamar-weyne gaar ahaan wada Via Roma.

Kooxda hubeysan oo watay gaari ayaa rasaas ku furay gaariga xildhibaanka oo kusii jeeday axrrunta Golaha Shacabka, waxaana warar horudhac ah sheegayaan in xildhibanka oo lagu nagacaabo Mayow Mustaf uu dhaawacmay, halka ay dhinteen 2 ka mid ah ilaaladiisa gaarka ah.

Gudoomiyaha degmada Xamar weyne C/qaadir Maxamed C/qaadir ayaa sheegay in Xildhibaanka iyo ruux kale oo dhaawac qabay ay u qaadeen Isbitaalka.

Weerarka ayaa waxaa sidoo kale ku geeriyooday xildhibaan hore uga tirsanaa Baarlamaankii KMG ee Soomaaliya kaa oo magaciisa lagu sheegay Liibaan Cabdulaahi Daahir.

Kooxdii dilka geystay ayaa waxaa ceyrsaday ciidan goobta ka dhawaa, waxaana la maqlay rasaas la is weydaarsaday, lamana oga in kooxdaas cid laga qabtay iyo inkale.

Dhawaan ayay aheyd markii sidaan oo kale degmada Xamar Jajab lagu weeraray xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, oo shirqoolka ka badbaaday, hase ahaate la dilay daarawalkiisa iyo mid ka mid ciidamadii ilaalinayey.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!