Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo lagu toogtay Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo lagu toogtay Muqdisho

Muqdisho – Mareeg.com: Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Fderaalka Soomaaliya ayaa saakay lagu dilay magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaafada Dabakaayo-madow ee degmada Dharkeenley.

Xildhibaaka la dilay waxaa lagu magacaabayay Xildhibaan C/casiis Isxaaq Mursal, waxaana dilay rag bastooladu ku hubeysan, kuwaasoo ugu galay gurigiissa, dabadeedna toogtay.

Gudoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyey dilka lo geystay xildhibaan C/caziiz Isxaaq Mursal.

Shalay ayay aheyd markii qarax minoo lagu dilay xildhibaan Isaaq Maxamed Riino, halka la dhaawacay xildhibaan Maxamuud Cali Dhuux.

Dilalka xildhibaanada ayaa kusoo beegmay xilli uu maalintii 3-aad Muqdisho ka socdo shirweyne qaran oo looga hadlayo amaanka dalka Soomaaliy.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!