DEG-DEG: Xildhibaan ka tirsan baarlamanka Soomaaliya oo lagu dilay Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

DEG-DEG: Xildhibaan ka tirsan baarlamanka Soomaaliya oo lagu dilay Muqdisho

Mareeg.com: Dabley hubeysan ayaa saaka Isgoyska Ceelgaab ee magaalada Muqdisho ku toogtay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo la oran jiray C/llaahi Qayaad Barre.

Wararka ayaa sheegaya in kooxda dilka geystay ay wateen gaari yar, kadibna ay rasaas ku fureen gaari uu watay xildhibaanka, halkaasna ay ku dileen.

Xildhibaanka la dilay ayaa kusii jeediyey xarrunta Golaha Shacabka, halkaasoo la filayey in maanta codka kalsoonida loogu qaado xukuumadda cusub ee RW Cumar.

Sanadkii 2014 ee tegay waxaa Muqdisho lagu dilay 5 xildhibaan, sanadkii hore 2013 waxaa la dilay 2 xildhibaan, halka sanadkii 2012 la dilay 1 xildhibaan.

Xildhibaanka maanta la dilay ayaa noqonaya kii 9-aad ee la dilo laga soo bilaabo sanadkii 2012.

Magacyada xildhibaanada la dilay tan intii u dhaxeysay sanadkii 2012 ilaa 2015:

1- Xildhibaan: Mustafe Xaaji Maxamed Cabdullaahi oo la dilay (2012)

2- Xildhibaan: Maxamed Warsame (FAYSAL) oo la dilay (2013)

3- Xildhibaan: Xuseen Cabdsalaan oo la dilay (2013)

4- Xildhibaan: Isaaq Maxamed Cali (Riino) oo la dilay (2014)

5- Xildhibaan: Cabdicasiis Isaaq Mursal oo la dilay (2014)

6- Xildhibaan: Shiikh Adan Shiikh Maxamed Madeer oo la dilay (2014)

7- Xildhibaan: Maxamed Maxamuud Xayd oo la dilay (2014)

8- Xildhibaan: Saado Cali Warsame oo la dilay (2014)

9-  C/llaahi Qayaad Barre (2015)

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!