Xildhibaan ka tirsan baarlamanka Kenya oo lagu dilay Nairobi

Mareeg.com: Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Kenya oo lagu magacaabo, George Muchai ayaa saaka lagu dilay caasimadda dalkaas ee Nairobi, Capital FM ayaa sidaas qortay.

Xildhibaanka waxaa sidoo kale la dhintay darawalkii gaariga u weday iyo 2 ilaalo ah oo la socday.

Booliska Kenya ayaa sheegay in gaariga xildhibaanka lagu horjaray gaari kale saacaddu markii ay aheyd 4.30 am waqtiga Nairobi, saaka oo sabit ah, kadibna rasaas lagu furay.

“Waxaa dhamaantood laga toogtay meel dhow” sidaas waxaa warbaahinta u sheegay sarkaal ka tirsan booliska oo ka mid ahaa dadkii ugu horreeyey ee gaaray goobta lagu dilay xildhibaanka iyo saddexda la socotay.

Madaxda ugu sarreysa booliska Kenya oo uu ka mid yahay agaasimaha CID, Ndegwa Muhoro ayaa tegay goobta weerarkaasi ka dhacay.

Hogaamiyaha Xisbiga CORD, Raila Odinga ayaa dilka xildhibaankaas ku tilmaamay dhibaato ku dhacday umadda Kenya.

Ma jirto cid ilaa hadda sheegatay weerarka lagu dilay xildhibaankaas lagu magacaabi jiray George Muchai, kaasoo ka tirsanaan xisbiga ODM.

Mareeg Media