Xildhibaan caan ah oo ka badbaaday weerar lagu khaarijin rabay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xildhibaan caan ah oo ka badbaaday weerar lagu khaarijin rabay

Mareeg.com: Xildhibaan Maxamed Cuamr Dalxa oo ka mid ah xildhibaanada ugu caansan baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka badbaaday isku-day dil oo ay la beegsadeen dabley hubeysan.

Goob joogayaal ayaa u xaqiijiyey warbaahinta in gaari uu la socday Xildhibaanka oo marayay Agagaarka Jaamacada SIMAD qeybta ay ku leedahay dugsiugii hore ee Gaheyr ee degmada Xamar Jajab ay koox hubaysan ay weerareen.

Warar horudhac ah oo soo baxay ayaa sheegaya in xildhibaanku ka badbaaday weerarkaas, hase ahaatee waxyeelo soo gaartay qaar ka mid ah ilaaladiisa gaarka ah.

Weerarkan ayaa dhacay, xilli uu xidhibaanku ku sii wajahnaa xarunta Golaha shacabka oo shir uga furmaya Xildhibaanada Baarlamaanka.

Sanadkan gudihiisa ayaa waxaa lagu dilay magaalada Muqdisho ilaa 5 Xildhibaan, iyadoo Dalxa noqonaya xildhibaankii 2-aad oo dil ka badbaada muddo ka yar labo bilood.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!