DEG DEG: Xeer Ilaaliyihii Guud ee dalka Masar oo u geeriyooday dhaawicii ka soo gaaray qarax bam * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

DEG DEG: Xeer Ilaaliyihii Guud ee dalka Masar oo u geeriyooday dhaawicii ka soo gaaray qarax bam

Xeer Ilaaliyihii guud ee dalka Masar ayaa goor dhow u geeriyooday dhaawicii ka soo gaaray qarax lala eegtay gaari uu la socday magaalada Qaahira.

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Masar ayaa u sheegay Wakaalada Wararka ee AFP in Xeer Ilaaliyaha Hisham Barakat uu geeriyooday.

Weerar ayaa ka dhacay degmada Heliopolis ee Caasimada Qaahira, waxaana gaariga uu saarnaa Xeer Ilaaliyaha lala beegsaday gaari waxyaabaha qarxa ay ka buuxeen.

Xeer Ilaaliyaha ayaa dhowr jeer oo hore loo hanjabay in la dili doono, kadib markii uu xukumaay dad lagu soo eedeeyay inay falal argagixiso ka geysteen dalka.
Sidoo kale waxaa uu tan iyo sanadkii 2013 barakatla sheegay inuu maxkamadeeyay kumanaan taageerayaasha Ururka Ikhwaanul Muslimiinka.

Barakat ayaa xilka Xeer Ilaaliyaha Guud loo magacaabay sanadkii 2013, xilligaasoo wax yar kadibna xukunka laga tuuray Madaxweynihii sida dimoqraadiga Maxamed Mursi, kaasoo haatan Maxkamad ay ku xukuntay dil.

Ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay weerarka lagu qaaday Kolonyada uu watay Xeer Ilaaliyaha, waxaana wararka ku saabsan geeridiisa ay yihiin kuwo hada isa soo taraya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.