DEG-DEG: Weerarkii Wasaaradda Tacliinta oo la afjaray

Mareeg.com: Weerarkii maanta xilligi waqti duhur dabley hubeysan oo loo badaniyo iney ka tirsan yihiin Alshabaab ku qaadeen wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya ayaa lasoo afjaray kadib markii ay wasaaradda gudaa u galeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Weerarka ayaa goor dhow lasoo afjaray, waxaana qaar ka mid ah weriyaasha loo ogolaaday iney xarrunta wasaaradda gudaha u galaan.

Wariye ku sugan goobta weerarku ka dhacay ayaa sheegay in 4 ka mid ah ragii weeraray wasaaradda oo la dilay mewydkooda lasoo dhigay barxadda wasaaradda, halka mid kalana la sheegay inuu markii hore is qarxiyey.

Lama shaacin khasaaraha gaaray mas’uuliyiintii iyo shaqaalihii wasaaradda ee xarrunta ku sugnaa inkastoo la sheegay iney jiray dhowr dhintay iyo kuwa dhaawac ah.

Mas’uuliyiinta amniga ayaa la filayaa iney dhawaan qabtaan shir jaraa’id, iyagoo ka warbixinaya sida weerarku u dhacay iyo tirada dadka ku dhintay.

Weerarka ayaa waxaa ku dhinatay dhowr qof oo rayid ah oo uu ku jiray qod ku socday mootada naafada, nin watay mooto Bajaajta TAXI ahaanta loo adeegsado.

Sidoo kale, gaadiid nuuca dadweynaha ah iyo maqaayad goobta ka dhaweyd ayaa burbur gaaray, iyadoo halkaad laga qaaday dhowr qof oo dhaawac ah.

Alshabaab ayaa sheegtay weerarka ka dhacay wasaaradda Tacliinta Sare ee Soomaaliya, waxaana baraha Alshabaab soo xigteen C/caziiz Abu Muscab oo sheegaya iney howlgal ka wadaan gudaha wasaaradda.

Wixii soo kordha kala soco Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245