DEG DEG :- Wasiir Katirsan Xukuumada Oo Is Casilay & Sababta Is casilaadiisa oo uu shaaciyay.

Read Time:52 Second

Muqdisho ( mareeg news ) Wasiirka Tamarta iyo Biyaha ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa maanta ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii uu ka hayay Xukuumada Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Wasiirka is casilay in uu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxa uuna Wasiirka is casilaadiisa u gudbiyay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

”Anigoo ah C/casiis Xasan Maxamed waxaa iska casilay xilkii Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Federaalka, waxaana ka codsaday R/Wasaaraha in uu iga aqbalo is casilaadeeda, waxaana cadeenayaa in aan ahay Musharax u taagan doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ” Ayuu yiri C/Casiis Lafta gareen.

Musharaxan is casilay xilka Wasiirnimo ayaa la sheegay in uu taageero badan ka helayo dowlada Federaalka Soomaaliya, waxaana loo saadaalinayaa in uu ku guuleesto doorashada Madaxweyne maadaama taageero badan ka helayo dowlada Federaalka.

Musharax C/Casiis Lafta gareen ayaa dhawaan magaalada Baydhabo la tagay lacago aad u badan iyo baabuurta nuuca aan xabaduhu karin, Musharaxan ayaana olole xoogan hada kawada magaalada Baydhabo.

About Post Author

Ahmed weheliye Gaashaan

freelance journalist covering events in Somalia, SocialActivist, writer, PoliticalAnalyst .contact gaashaan1960@gmail.com
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %