
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa waxa uu xilkii ka qaaday Wasiirkii Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cumaan.
Digreeto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxaa lagu sheegay in xilkii Wasiirka si KMG ah loogu dhiibay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Mudane C/raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir
Wasiirka Waxbarashada ee xilka laga qaaday ayaa xalay waxa uu ku dhawaaqay natiijada imtixaanka shahaadiga dugsiyada sare ee dowladdu qaaday Sanadkaan.
In kastoo dowladda Soomaaliya aysan weli cadeyn sababta xilka qadista Wasiirka ayaa hadana waxaa shalay jirtay in Wareysi uu siiyey mid ka mid ah Warbaahinada dalka ku sheegay in uusan aqoonsaneyn Jaamacadaha dalka.