DEG DEG:- War farxad leh oo kasoo yeeray xaalada qalbi dhagax
Adis abab ( mareeg news ) warar naga soo gaaray maagaalada adis ababa ee dalka itoobiya ayaa sheegaya in lasii daayay hoggaamiyihii jabhada ONLF abdi kariim shiiq muuse qalbi dhagax oo ay dowlada somalia u gacan gelisay dowlada itoobiya, saacadaha soo aadan ayaa lagu wadaa in cabdikariin uu la hadlo saxaafada.
dhanka kale magaalada asmara ee dalka eltreya waxaa ka socda shirweeyne ay ku kulansanyihiin hoggaanada sar sare ee ururka ONLF kulankana markuu soo gaba gaboobo waxaa la filayaa in ay iyana warsaxaafadeed ka soo saraan.
dowlada federalka itoobiya iyo tan somaliya labada kama hadlin arinkan.
Comments are closed.