DEG DEG: Taliyihii Nabadsugida maamulka KMG Juba oo caawa lagu dilay Kismaayo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

DEG DEG: Taliyihii Nabadsugida maamulka KMG Juba oo caawa lagu dilay Kismaayo

Mareeg.com-Taliyahii ciidamada nabadsugida maamulka KMG ah Juba Ciise Kaambooni iyo mid ka mid ah ilaaladiisa ayaa lagu diley caawa magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Dilka taliyaha ciidamada nabadsugida ee maamulka Jubba ayaa la sheegay in uu geystey mid kamid ah ciidamadii ilaalada u ahaa, waxayna wararka qaar sheegayaan in askariga ka dambeeyay dilka uu hore ugaga mid ahaa ciidamada ururka Alshabaab.

Askaragii ka dambeeyay dilka taliyaha Nabadsugida iyo mid kamid ah ilaaladiisa ayaa baxsaday, iyadoo xaalad kacsanaan ah ay caawa ka jirto magaalada oo dhan.

Wararka ayaa waxaa ay intaa ku darayaan in mid ka mid ah ilaalada taliyihii ciidamada nabadsugida uu dhaawacmay.

Dilka loo geystey taliyahii nabadsugida maamulka Jubba ayaa ka dhacay guri uu ka degenaa taliyaha xaafada Farjano ee magaalada Kismaayo.

Ilaa iyo hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka Jubba hase yeeshee wararka ayaa sheegayaa in ciidamo badan ay gaareen goobta uu weerarku ka dhacay.

Rasaas ayaa caawa laga maqlayaa magaalada, waxaana xaafadaha qaar ka jira cabsi dadka deegaanka ka qabaan howl galo ay sameeyaan ciidamada maamulka KMG ah ee Juba.

Ciise Kambooni ayaa ka mid ahaa Mucaskarkii Raaskambooni oo ka mid ahaa garabyadii ku mideysnaa Ururkii bur buray ee Xisbul Islaam, waxaana uu sidoo kale ahaa saraakiisha sida aadka ah ugu dhowaa Axmed Madoobe

Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!