DEG DEG:-Taliye Ciidan iyo Ilaaladiisa oo Goordhow Qarax lagu dilay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

DEG DEG:-Taliye Ciidan iyo Ilaaladiisa oo Goordhow Qarax lagu dilay

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Taliyaha Ciidanka Nabadsugida Magaalada Dhuusamareeb ee Maamulka Galmudug C/rashiid Cabdi Nuur Shiiq doon ayaa Qarax xoogan lagula eegtay duleedka Magaladaas.

Qaraxaas oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa waxaa lala eegtay gaari Tikniko oo ay la socdeen Taliyihii Ciidanka NISA ee Dhuusamareeb iyo ilaaladiisa, xili ay socdaal ku marayeen meel ku dhow deegaanka Ceeldheere oo 30-KM u jira Caasinadda Galmudug.

Saraakiil ka tirsan Galmudug ayaa sheegay in Taliye C/rashiid Cabdi Nuur oo loo yaqaanay Qooje iyo ilaaladiisa ay ku geeriyoodeen qaraxii lala beegsaday, kaasi oo dadka deegaan ay sheegeen inay jugtiisa siweyn u maqleen.

Inta la xaqiijiyay 14 qof uu ku jiray Taliyaha NISA ee Dhuusamareeb ayaa ku dhintay qaraxaas, kuwaasi oo dhammaantood saarnaa gaariga, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray Ciidamo ka tirsan dowladda oo Meydadka soo qaaday.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka dowladda iyo Maamulka Galmudug oo ay uga hadlayaan geerida Taliye C/rashiid Cabdi Nuur oo lagu dilay qarax xoogan oo ka dhacay deegaanka Ceeldheere oo 30-KM u jira Caasinadda Galmudug.

Al-shabaab ayaa dhawaan qarax la eegtay gaari uu la socday Taliye ku-xigeenka dhulka ee Ciidanka dowladda Federaalka, xili uu marayay agagaarka Garoonka diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb ee Ugaas Nuur, isagoona qaraxaas uu ka badbaaday.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.