DEG DEG:-Suuq-Weyn Oo Ku Yaalla Muqdisho Oo Gabi Ahaan La Xiray

Read Time:39 Second

Wararka naga soo gaarayo  Degmada Dharkeenleey ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Suuq-Boocle oo ah Suuq Ganacsi  ayaa waxa ay sheegayan in maanta Suuqaasi gebi ahaanba la xirey Goobihii Ganacsiga ee yaallay,ka dib markii Ganacsatada Suuqaasi oo lagu amrey in ay bixiyaan lacago uu Maamulka ku soo rogay.

Qaar ka mid ah Ganacsatada oo  si hoose ula hadlay Mareeg ayaa waxa ay sheegeen in Todobaadkii la soo dhaafay loo keenay Warqad ka timid maamulka Degmada taas oo lagu amrayey in ay bixiyaan lacago xad dhaaf ah,balse ay taasi ka biyo diideen.

Ciidamo ka tirsan Mamaulka Degmada Dharkeenleey ayaa la sheegay in maanta dadka Gacsatada Suuq-Boocle ku armay in ay xiraan Ganacsigooda,iyadoo sidoo kale la sheegay in xabsiga la dhigay qaar kamid ah Ganacsatada Suuq-Boocle.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %