DEG DEG: Siyaasi Abdirahman Abdishakuur ” Villa Somalia xasiloonida waxeey ka door bideysaa xasarad siyaasadeed”

Read Time:45 Second

Hoggaamiyaha xisbiga Daljir cabdirahmaan Abdishakuur warsame ayaa Si kulul uga hadlay Mooshinka Lagu kiciyay Gudoomiye jawaari. AA.warsame ayaa ku eedeeyay xukuumada ineey fashil dhaxda kaga jirto Bartiisa facebookga ayuu ku daabacay “Mooshin laga keenay Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa la sheegay in uu jabay. Madaxtooyada Soomaaliya waxay Dagaalka siyaasadeed ka soo bilawday in xilka laga tuuro madaxda maamul goboleedyada. Waxaa ku xigey Xildhibaanada oo Xaasanada laga qaado, madaxda Xisbiyada oo xabad iyo xarig lagu dayo. Wuxuu haatan marayaa gudoomiyaha Baarlamaanka. Su’aashu waxay tahay yaa ku xiga?. Waxaa muuqata Villa Somalia in ay xasiloonida ka door bideyso xasarad siyaasadeed”

AA.Warsame ayaa inta badan bartiisa Facebook Ku baahiya aragtiyadiisa siyaasadee Balse Hadalkan Siyaasiga kasoo yeeray ayaa meesha kasaaraya eedeymihii horay loogu edeeyay ee ahaa inuu Imartka xiriir kala dhaxeeyo duulana uu ku yahay Qaranimada soomalia.

Waxuh kaloo soo hadal qaaday Weerarkii lagu qaaday Gurigiisa sandikii tagay laguna dhaawacay Siyaasiga.

 

About Post Author

Ahmed weheliye Gaashaan

freelance journalist covering events in Somalia, SocialActivist, writer, PoliticalAnalyst .contact gaashaan1960@gmail.com
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %