DEG-DEG: Shirka Maamul Sameynta Shabeellaha Dhexe & Hiiraan oo ka furmay Jowhar * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

DEG-DEG: Shirka Maamul Sameynta Shabeellaha Dhexe & Hiiraan oo ka furmay Jowhar

Mareeg.com: Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa si rasmi ah uga furmay shirka maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe waxaana furitaanka shirkaasi xarigga ka jaray Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Munaasabadda furitaanka shirka waxaa ka soo qeyb galay madax, xildhibaano, ergooyin ka socda gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe iyo dadweyne fara badan.

Xafladda lagu furayay shirka waxaa ka hadlay Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku booriyay ergooyinka shirka inay dedejiyaan maamulka labada gobol oo uu sheegay inay uga baxayaan baahiyaha nidaam ee labada gobol u qabaan hab maamulka federaaliga ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladiisu ku garab taagan tahay ergooyinka sidii loo dhameystiri lahaa dhismaha maamulka labada gobol oo uu sheegay inay soo mareen marxalado kala duwan.

“Dowladda Federaalka waxay gacan ka geysaneysaa sidii loo dhameystiri lahaa maamulka gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo uga mahad celiyay qeybaha kala duwan ee bulshada labada gobol sida ay uga go’an tahay inay sameystaan maamul ay ku mideysan yihiin.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay qaar ka mid ah waxgaradka iyo ergooyinkalabada gobol oo iyaguna ballanqaaday inay ka qeyb qaadanayaan dhismaha iyo dardar gelinta maamulka gobol oo ay sheegeen inuu muhiim u yahay labada gobol.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!