DEG DEG:- Shariif Xasan Shiiq Aadan Oo Qaatay Go’aan lama filaan ah
Beydhabo ( Mareeg News ) Madaxweynaha Dowlada goboleedka konfur galbeed Shariif xasan shiiq aadan ayaa qaatay go’aan lama filaan ah , Ilo u dhaw Vila Konfur Galbeed ayaa MAREEG u xaqiijiyay in madaxweyne shariif xasan uu ka fakaraayo in uu markale isku soo taago qabashada xilka madaxweynenimda KGS .
maamlmihii lasoo dhaafay waxaa magaalada beydhabo kusii qul qulayay Murashaxiin dhowr ah, Arinta ugu xiisaha badan ayaa aheeyd markii dowlada Federalka ay si gambasho la’aan ah u taageertay Dhowr murashaxa oo ay ugu horeeyaan Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xukuumada Nabad iyo Nolol iyo Taliyihii Hey’ada Nabadsugida iyo sirdoonka qaranka , Madaxweeyne shariif xasan oo aan Xiriir wanaagsan kala dhaxeyn xukuumada Cadaadis siyaasad oo xoogan uu dareemayo dartiis ayuu U tanaasuli donaa ayaa lagu yiri War aan inta badan dibada soo bixin.
Qaadashada Go’aankan oo aad u qaraar ayaa hadana waxaa Macquul ka dhigi kara Cadaadiska dhinacyada badan iyo garab la’aan madaxweyne shariif heysato.
Waxii kusoo kordha Halkaan Kala Soco.
Comments are closed.