Jowhar: Dabley bastooladu ku hubeysan ayaa caawa maqribkii bartamaha magaalada Jowhar ku dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya ee halkaas ku sugan.
Sarkaalka la dilay ayaa a la oran jirey Col. Xuseen Cumar Hilowle oo loo yaqaanay Mooja Mooja, wuxuuna dhaawac culus oo caloosha kazoo gaaray u dhintay isagoo loo sii waday isbitaalka magaalada Jowhar.
Xaaladda magaalada Jowhay ayaa kacday markii dilkaas dhacay, waddooyinka lagu daadiyay ciidamo farabadan, kuwaasoo raadinaya kooxdii dilka geystay.
Waa sarkaalkii ugu darajada sarreeyey ee lagu dilo magaalada Jowhar tan iyo markii ay dowladu halkaas la wareegtay dhamaadkii sanadkii hore ee 2012.
Mareeg.com