Sarkaal ka tirsanaa jiray Alshabaab oo lagu dilay Muqdisho

Mareeg.com: Koox bastooladu ku hubeysan ayaa sarkaal horay uga tirsanaa jiray Alshabaab iyo maxkamadihii Islaamiga ahaa  goor dhow ku dilay xaafadda Ceel Tuba-weyne ee degmada Yaakhshiid ee magaalada Muqdisho.

Ninka la dilay waxaa lagu magacaabi jiray Axmed Sheekh Muxudiin (Axmed Laashin), wuxuuna ka mid ah saraakiishii hogaamin jirtay qolooyinka la baxay Muqaawamada ee dagaalka la galay dowladdii madaxwyne C/laahi Yuusuf.

Sidoo kale, Axmed Laashin ayaa ka mid ahaa ragii dagaalka culus ku qaaday dowladdii madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, horraantii sanadkii 2009, isagoo markaas ka tirsanaa Xisbul-islaam, kadibna wuxuu ku biiray Alshabaab.

Dhowr bilood ka hor ayuu Axmed Laashin kasoo tegay Alshabaab, wuxuuna joogay magaalada Muqdisho, isagoo ah sida qof sahcab ah, hase ahaatee maanta ayaan lagu dilay xaafadii uu kasoo caan baxay ee Ceel Tuba-weyne, taasoo ku dhow saldhiga booliska degmada Yaakhshiid.

Goobta dilku ka dhacay waxaa gaaray ciidamada amaanka Soomaaliya, kuwaasoo xiray aaga halkaas ka dhow, waxeyna halkaas ka sameeyeen baaritaan. Lama oga ilaa hadda cidda dishay Axmed Laashin.

Mareeg Media

 

 

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245